Skip to content
Quick exitFirst NationsTranslationsGet helpSearch

Ku saabsan Komishanka 

Australia waxay jeceshahay inay isu aragto dal cadaalad ah. Waxaa Nasiib Daro ah, mararka qaar dadka waxaa loola dhaqmaa si aan caddaalad ahayn, Tusaale sida ay u egyihiin, meesha ay ka yimaadeen ama waxa ay rumeysan yihiin. Victoria (Fiktooriya) gudaheeda waxaa ka jira sharciyo dadka ka ilaaliya anshax darrada iyo Guddiga Sinnaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanaha ee Victoria (Fiktooriya) wuxuu caawiyaa dadka si xun loola dhaqmay. Raadi xuquuqdaada iyo sida aan kuu caawin karno.

Close up of a smiling young Somalian woman.
Ku saabsan KomishankaXuquuqdaadaSida aan kuu caawin karnoNala Soo xiriir

Waa maxay Komishanku?

Komishanku waa hay’ad madax-bannaan oo loo abuuray inay isku daydo inay joojiso midabtakoorka, dhibaataynta galmada, iyo cayda midab-takoorka iyo diinta.

Waxaan ka caawinnaa dadka inay xalliyaan cabashooyinka ku saabsan dhaqamadan aan caddaaladda ahayn iyo sidoo kale:

  • Siinta macluumaad ku saabsan fursadaha loo simanyahay iyo xuquuqda aadanaha dadka iyo ururada
  • Waxbarid iyo latashi lala sameeyo ururada si looga caawiyo inay cadaalad noqdaan
  • In la sameeyo cilmi baaris iyo baaritaano ku saabsan takoorida halista ah iyo dhibaateynta galmada
  • waxaan ku dhiiri galineynaa Dowlada Victoria (Fiktooriya) inay sameyso sharciyo adag si loo ilaaliyo dadka, loona hubiyo in sharciyadayada hada jira ay shaqeynayaan.

Sidee buu Komishanku ii caawin karaa?

Waxaan kuu sheegi karnaa xuquuqda aad u leedahay in si cadaalad ah laguula macaamilo, ama waad noo sheegi kartaa haddii si cadaalad daro ah laguu’la dhaqmay. Waxaan awoodi karnaa inaan ka caawinno dhaqanku inuu istaago oo aan kaa helno raali gelin ama magdhow.

Ma bixinno talo sharci laakiin waxaan kuu sheegi karnaa wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada iyo sharciyada Victoria (Fiktooriya) ee difaacaya xuquuqdaada.

Shuruucdani waxay dadka ka ilaalinayaan in cadaalad daro lagu’la dhaqmo nolosha bulshada. Iyagu lama xiriiraan dabeecadaha gaarka ah, sida waxa ka dhaca guriga.

Soo ogow sida aan kuu caawin karno

Waan ku caawin karnaa haddii aad la kulantay dhaqan aan caddaalad ahayn, oo ay ku jiraan:

  • takoorid
  • faraxumeyn
  • cay ama midab takoor
  • dhibaateyn

Waxaan sidoo kale kuu sheegi karnaa Axdiga Xuquuqda Aadanaha iyo Waajibaadka Victoria (Fiktooriya).

Ogow wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada

Goorma ayuu Guddiga komishinku i caawin karin?

Ma caawin karno haddii dabeecadda ay ku dhacday meel qarsoodi ah (tusaale ahaan, guriga).

Kama caawin karno su’aalaha ku saabsan:

  • xaaladdaada fiisaha ama arrimaha socdaalka
  • arrimaha booliska
  • arrimaha la xiriira ururada federaalka (sida Wasaaradda Arimaha Gudaha).

Waxaan ku siin karnaa macluumaad ku saabsan Jaartarka Victoria ee Xuquuqda Aadanaha iyo Mas’uuliyadaha laakiin ma qaban karno cabashooyinka la xiriira Axdiga.

Ururada kale ee laga yaabo inay ku caawin karaan hadii anaga aan ku caawin Karin:

Magangalyo doonka, qaxootiga iyo muhaajiriinta

Sharciga Qaxootiga
Ph: (03) 9413 0100, 10 am-2pm, Arbaco iyo Jimco

Xuquuqda Macaamiisha

Arimaha Macaamiisha Victoria
Ph: 1300 55 81 81

Rabshada qoyska ama faraxumaynta galmada

1800 Ixtiraam
Ph: 1800 737 732
Turjubaan: 13 14 50

Xadgudubyada iyo cabashooyinka xuquuqda aadanaha ee ku saabsan ururada dawladda Victoria (Fiktooriya)

Ombudsman Victoria (Fiktooriya)
Ph: (03) 9613 6222 ama 1800 806 314 (gobolka kaliya ee Victoria, Fiktooria)

Dib u dhaca socdaalka, fiisaha iyo muwaadinimada, iyo xarumaha dadka lagu hayo

Commonwealth Ombudsman
Ph: 1300 362 072

Taageero sharci

Caawinta Sharciga ee Fiktooriya
Ph: 1300 792 387

Cabashooyinka ku saabsan habdhaqanka booliska

Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa
Ph: 1300 735 135

Xuquuqda kireystayaasha (caawimaadda dadka guryahooda kireysta)

Kireystayaasha Victoria
Ph: (03) 9416 2577
Khadadka talobixinta kireystayaasha guryaha ee bulshada: 1800 068 860

Caafimaadka haweenka

Xarunta Dhaqamada Kala Duwan ee Caafimaadka Haweenka
Ph: 1800 656 421

Arimaha badbaadada goobta shaqada ama xoog sheegashada

WorkSafe Victoria
Khadka talobixinta: 1800 136 089
Xaaladaha Degdegga ah: 13 23 60

Was this page helpful?
Please select Yes or No and the second form section will appear below:

Address
Level 3, 204 Lygon Street Carlton Victoria 3053

General enquiries
enquiries@veohrc.vic.gov.au

Reception
1300 891 848

Enquiry line
1300 292 153 or (03) 9032 3583

Interpreters
1300 152 494

NRS Voice Relay
1300 555 727 then use 1300 292 153

Media enquiries
0447 526 642

The Victorian Equal Opportunity and Human Rights Commission acknowledges that we work on the traditional lands of the Wurundjeri people of the Kulin Nation. We also work remotely and serve communities on the lands of other Traditional Custodians.

We pay our respects to their Elders past and present.