Get help – Somali
Caawimaad hel
Wax ka ogow xuquuqdaada
Haddii aad su’aal ka qabtid takoorida, dhibka galmada, dhibanenimada, cunsuriyada ama ceyda diimeed, fursad u sinnaanta ama xuquuqda bani’aadamka, waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino. Bilaash nagula soo xiriir iyo macluumaad qarsoon oo ku saabsan xuquuqdaada iyo shuruucda xuquuqda bani’aadamka iyo takoorida. Haddii aanaan ka jawaabi karin su’aashaada, waxaan iskudeyi doonaa inaan kaa caawino sidii aad ku heli lahayd adeeg ku caawin kara.
- Wac Khadkeena Weydiimaha 1300 292 153
- Nagula soo xiriir adoo adeegsanaya wadahadal toos ah
- Nagula soo xiriir iimeyl
Khadka Weydiimaha iyo wadahadalka tooska ah waxaa la helayaa maalmaha toddobaadka laga bilaabo 9:00 subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo iyo 1:30 duhurnimo ilaa 4:30 galabnimo.
Sheeg wax dhacay
Haddii uu ku soo maray ama aad markhaati ka ahayd cunsurinimo, dhibka galmada ama takoorid noocii kastaba ah, ama haddii aad qabto wax arimaha xuquuqda bani’aadamka ah ama aad saluugsan tahay, ka dib waxaan dooneynaa inaan wax kaa dhageysano.
Waxaad isticmaali kartaa aaladeena soo sheegitaanka Bulshada si aad anaga noola wadaagto khibradaada – waa si dhakhso ah oo sahlan oo aad adigu noogu sheegi kartid wixii dhacay, ama waxaad ka welwelsan tahay. Waxaad sidoo kale na weydiisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqdaada ama inaan kuu sheegno sidii aad cabasho sameyn lahayd.
Lama wadaagi doono macluumaadkaaga cid kale. Macluumaad ka aad na siiso waxaa loola dhaqmayaa sida qarsoon ee ugu adag ee waafaqsan shuruucda dawlada dhexe iyo tan goboleedka.
Warbixinuhu waxay noo sheegaan waxa ka dhacaya bulshada dhexdeeda, oo awood noo siinaya inaan ugu doodno ilaalinta xoogan ee xuquuqdaada.
Cabasho samee
Haddii aad dareemeyso in lagu takooray, galmo ahaan lagu dhibay, dhibane lagaa dhigay ama yasay, adiga ama qof kale oo ku metelaya ayaa cabasho u soo gudbin kara Golaha. Waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan kaa caawino sidii loo xalin lahaa cabashadaada anagoo isticmaalayna adeegeena xalka is afgaranwaaga oo wakhtiyeysan oo cadaalad iyo bilaash ah.
- Soo dir cabasho online ah
- Nagula soo xiriir wadahadalka tooska adoo adeegsanaya
- Nala soo xiriir adoo adeegsanaya iimeyl
Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa laga yaabaa inaan kaa caawino qorista cabashadaada. Nagula soo xiriir adoo adeegsanaya wadahadalka toos ka ama iimeyl enquiries@veohrc.vic.gov.au wixii macluumaad dheeraad ah.
Nagula soo xiriir luuqadaada.
Waxaad ku sameyn kartaa weydiimo ama cabashooyin luuqadaada – waxaan kuugu qaban karnaa turjumaan Soomaali.
- Codso turjumaan 1300 152 494
- Codso turjumaan adoo adeegsanaya wadahadalka tooska ah
- Ku codso turjumaan adoo adeegsanaya iimeyl